Xuska maalinta umulisanimada adduunka oo lagu qabtey Garowe

Munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee umulisanimada adduunka oo ku beegan 5ta bisha May  ayaa maanta lagu qabtay Garowe waxaana  kazoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Caafimaadka,Saraakiil ka socota hay,adda UNFPA, Dhakhaatiir iyo Ardey.

Xafladan oo uu soo qaban qaabiyay ururka Umulisooyinka Puntland ee (PAM) ayaa lagu soo bandhigay  caqabado dhanka shaqada ka haysta ururka PAM siday sheegtay Marwo Xaawo Yuusuf oo ah madaxa ururka umulusooyinka.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha caafimaadka Puntland Sayid Cumar oo xaflada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay xuska maalintan caalamiga ee dhalmada hooyada.

Drs  Xabiibo Nuur Ismaaciil oo ka mid ah dhakhtarad qaabilsan arrimaha caafimaadka haweenka oo ka mid ahayd dadkii ka hadlay xuska maalintan ayaa sheegtay in doorka umulidu yahay mid muhiim u ah nolosha qoys walba, Islamarkaana loo baahan yahay in kor loo qaado tayadooda dhinaca aqoonta.

Daawo Sawiro

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST