Masuuliyiin Puntland oo kormeeray Dhismaha Airport-ka Garowe

Wasiirka Amniga oo ay wehlinayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Agaasimaha Hay,adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland ayaa kormeer booqasho ah ku tagay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe oo dhismihiisu marayo meel qabyo ah.

Agaasimaha Hay,adda socdaalka Puntland Maxamuud Faarax Ashkir ayaa sheegay in dhawaan laanta socdaalka ay keeni doonto garoonka diyaaradaha Garowe qalab casri ah oo loogu talagalay xaqiijinta Amniga garonka iyo baasaboorada ay wataan dadka isticmaalaya garoonka.

Ujeedada socdaalka masuuliyiintan ayaa lagu sheegay inay salka ku haysay kormeerida halka uu marayo dhismaha Airport-ka magaalada Garowe oo dhismihiisu qaatey mudo ka badan waqtigii horey loo qorsheynayay in lagu soo gaba-gabeeyo .

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne ayaa sheegay inay rajaynayaan in dhawaan ay soo gabagabowdo shaqada dhismaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe, Halka uu isna sheegay Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) in wax walba laga horumarin doono Nabadgalyada si loo gaaro maalgashi iyo kobac dhaqaale.

Sawiro

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST