Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo si adag uga hadlay qadiyada Puntland

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka magaalada Garowe ayaa si adag uga hadlay midnimada Puntland, Wuxuuna faahfaahin dheeri ah ka bixiyay arrimo caafimaad oo uu muddo dheer dibada u jirey.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland,Salaadiin iyo Shacab fara-badan ayaa garaadka maanta kusoo dhaweeyay duleedka magaalo madaxda Puntland, Wuxuuna ka sheekeeyay garaadku marxalado uu lasoo kulmay intii uu dibada u jirey arrimaha caafimaadka.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Issimada soo jireenka ee Puntland ayaa si adag uga hadlay qadiyada uu ka aaminsan yahay Puntland, Wuxuuna sheegay inuu la dhiman doono, Isagoona si adag uga dardaarmay ilaalinta midnimada Puntland

Dhagayso Khudbada Garaadka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST