Tababar loo furayo Ciidamo ka tirsan Puntland

Carmo[Puntland Post] Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg ayaa ka hadlay Tababar loo furayo ciidamo ka tirsan Birmadka Puntland oo la isaga keenay Qardho, Waaciye, iyo Al-xamdulillaah kaaso ciidanku uga furmi doono Akadimiyada tababarada ciidamada Booliska ee Degmada Carmo .

Taliyaha ayaa sheegay in Tababaradani ujeedka ugu weyn ee ay ka leeyihiin ay tahay kor u Qaadida Tayadooda Ciidan iyo sidii ay uga so bixi lahaeen hawsha loo Igmaday.

Dhinaca kala Taliyaha ciidmada Booliska Puntland waxa uu ka hadlay Hub dhawaan lagu qabta Dekada Magaalada Boosaso waxana uu sheegay in la hayo Dadkii Hubkan watay isla markaana dhawaan la hor keeni doono Maxkamada.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Cabdulqaadir Faarax Shire Ereg ayaa Degmada Carmo Ee gobalka Bari waxa uu u tagay sidii uu u daahfuri lahaa Tababar loo furayo Ciidamo ka tirsan Puntland.

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POST