Garowe:-Ururka bisha cas oo deeq siiyay qoysas ku barakacay abaartii

Gudoomiyaha bisha cas ee Gobolka Nugaal iyo Duqa magaalada Garowe ayaa maanta deeq isugu jirta dhar,raashin iyo maacuun ugu qeybiyay magaalada Garowe dadkii kazoo xerooday abaartii ku dhufatey deegaano ka tirsan Puntland.

Deeqda oo ka timid Ururka Bisha Cas waxaa laga soo aruuriyay shacabka ku nool magaalada Garowe, waxaana la gudoonsiiyay ilaa 50 qoys.

Gudoomiyaha bisha cas ee Gobolka Nugaal ahna Agaasimaha hay,adda socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne) ayaa sheegay inay gaarsiin doonaan shacabka dhibaateysan deeqo kale oo ay ka sugayaan beesha caalamka.

Wuxuu intaas ku darey in har iyo habeen ay usoo jeedaan u adeegida danaha dalka iyo dadka.

Dhanka kale Duqa magaalada Garowe Xasan Maxamed Ciise ayaa u mahadceliyay Ururka bisha cas wuxuuna ku booriyay dadaalka ay ugu jiraan gacan siinta shacabkooda.

Sawiro

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST