Faahfaahin qaabka uu u dhacay dilka Wasiirka Hawlaha guud ee DF Somalia

Faahfaahin oo dheeri ah oo kasoo baxaysa qaabka uu u dhacay dilka caawa Muqdisho loogu geystay Wasiir ka tirsan Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa sheegaysa inay ka dambeeyeen ilaalada hanti dhawraha qaranka Dowlada Soomaaliya Nuur Faarax ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga sawirka kore ka muuqda oo ahaa midkii uu gacantiisa ku watey Wasiir Cabaas Siraji.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyay PUNTLAND POST inay rasaas ooda uga qaadeen gaari nooca LAND CRUISER-ka oo daba socdey gaari kale oo uu la socday hanti dhawraha qaranka Dowlada Federalka Soomaaliya ka dib markii laga shakiyay gaariga danbe.

Sida ka muuqata Sawirka gaariga lama wada rasaaseyn balse waxay xabadu kaga dhacdey wajiga hore oo ku beegnayd muraayadda darawalka gaariga wadey oo ahaa Wasiirka ku dhintey falkaan caawa ka dhacay MUQDISHO.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST