Dowlada hoose Garowe oo ka jawaabtay cabasho uga timid Shacabka

Xoghayaha Dowlada hoose Garowe Cabdiqafaar Cabdiraxmaan ayaa ka jawaabay cabasho reer Garowe ka muujiyeen qaabka Dowlada hoose uga hawlgashay biyaha roobka ee fariistay jidadka dhex mara xaafadaha magaalada ka dib xiriir uu lasoo sameeyey Xoghaye Cabdiqafaar Warbaahinta PUNTLAND POST .

Cabdiqafaar Cabdiraxmaan ayaa sheegay inay jirto qeylo dhaan aan kala go, lahayn iyo Culays fara-badan oo Dowlada hoose kazoo wajahay xaaladaan biyaha fariistey jidadka iyo qaar ka mid ah xaafadaha ku yaala magaalo madaxda Puntland ee GAROWE.

Wuxuu ku eedeeyay qaar ka mid ah shacabka inay ku dhaqaaqeen talaabooyin biyaha ku hakinaya jidadka ka dib markii ay guryahooda ku hor shubeen ciituuro kala sareysiinaya jidka, wuxuuna sheegay in taasi tahay arrinta sababtey biyo fariisi ka dhasha roobkii qabtey magaalada Garowe.

Xoghayaha Dowlada hoose ee Degmada Garowe Cabdiqafaar ayaa intaas ku darey inaysan istaagin habeen iyo maalin shaqada ay kula tacaalayaan ka hortaga nadaafad daro ka dhalata biyaha fadhiya wadooyinka iyo suuqyada magaalada.

Dhagayso Wareysiga Xoghayaha

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.