SIDRA oo tababar cilmi baaris ah u qabatay Jaamacaddaha Puntland

Machadka horumarinta cilmi baarista Soomaaliyeed ee SIDRA, ayaa maanta Garowe ku soo xiray tababar cilmi baariseed oo ay siinayeen 16 macalin oo ka socday 11 jaamacaddood oo kuyaala gudaha Puntland.

Tababarkaan oo muddada uu socday lagu baranayay farsamada cilmi baarista kana koobnaa saddex qeybood oo kala duwan ayaa ujeedada laga lahaa  waxay ahayd in kor loo qaado tayada jaamacaddaha Puntland iyo fahanka cilmi baarista.

Dr. Saciid Faahiye oo ka socday jaamacadda VU oo tababarkaan bixinaysay ayaa cadeeyay barnaamijkaan inuu guulaystay. wuxuuna sheegay inuu barnaamijkaan qeyb ka yahay mashruuca wxbarashadu waa iftiin.

Agaasime ku xigeenka machadka SIDRA Sahro Kooshin, ayaa sheegtay inuu machadkoodu sharaf u tahay inuu muddo sanad ah tababar cilmi baaris ah siiyo macalimiin ka socday 11 jaamacaddood, waxayna sheegtay inuu barnaamijkaan qeyb ka yahay xoojinta aqooneed ee jaamacadda.

Sahro Kooshin waxay tilmaamtay inay sii wadidoonaan tababarada caynkaan ah, si jaamacaddaha Puntland kuyaala looga dhisayo farsamada cilmi baarista.

Ugu danbeyn xaflada xiritaanka tababarka oo shahaadooyin lagu gudoonsiiyay kasoo qeyb galayaashii waxaa soo xirey Wasiir kuxigeenka Waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax oo u mahad celiyay machadka SIDRA islamarkaana ku ammaanay inuu wasaaradda waxbarashada kala qeyb qaato kor u qaadida tacliinta dalka.

Wuxuuna kula dardaarmay macalimiinta tababarka la siiyay inay cilmigooda u gudbiyaan ardayda Jaamacaddahooda.

Sawiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST