Puntland oo looga digay halis ka dhalan karta biyaha roobka

Maareeyaha Hay’adda Musiibooyinka Dabiiciga ee Puntland (HADMA) Cabdullaahi Cabdiraxmaan Ceerow ayaa digniin kasoo saaray cudurro ka dhalan kara biyaha roobka gu’ga ee ka curtay guud ahaan deegaanada Puntland, kadib markii uu sheegay inay sababtey abaartii ku dhufatey dalka dhimashada xoolo fara-badan oo wali bakhtigoodu daadsan yahay dhulka iyo goobaha biyo mareenada ah.

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Garowe ku qabtay Cabdilaahi Cayroow wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay taxadar laga yeesho biyaha dhulka fariistay,wuxuuna si gaar ah ugu digay dadka reer guuraaga ah ee inta badan ka dhaansada meelaha biyo qabatinka leh.

Sidoo kale wuxuu ka digay biyaha gelaya barkadaha laga cabo oo uu sheegay inay soo qaateen wasakh iyo qashin badan oo laga yaabo inay qaarkood ku jiraan bakhti xoolaad iyo mid dugaag oo ay ka dhalan karaan cuduro halis ah.

“Barkadaha biyaha gelaya xoogoodu waxay soo qaadaan haddii aan loo hagaajin kalaanada ama loo hagaajin meelaha biyo raaceenka ah bakhti xoolo iyo mid dugaag oo yaala meelaha biyo qabatinka leh iyo dooxooyinka” ayuu yiri Cabdilaahi Cayroow.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST