Goob Dalxiis Oo Casri ah oo Boosaso Laga Hirgaliyey.

Magaalada Bosaso ee Puntland-Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay laga furay xarun cusub oo loogu magacdaray beerta nasashada iyo jirdhiska ee Maandeeq.

Xarunta waxaa magaalada ka hir gelisay hay’adda wadaniga ah ee Tadamun, iyadoo dhaqaalaha ku baxay ay bixisay hay’dda SSF.

Waxa ay ka kooban tahay xarunta qeybo badan sida qeybta jirdhiska, qeybta lagu ciyaaro kubadda cagta, meel lagu akhristo buugaagta, hool loogu tala galay xafladaha, qeybta carruurta ay ku ciyaaraan, qeybta cuntada iyo cabitaanada iyo qeybo kale.

Xafladda daah-furka xarunta ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda iyo shaqaalaha hay’adda Tadamun, issimo, nabadoono, maamulka gobolka Bari, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada Bosaso, wasiirka shaqada, shaqaalaha iyo ciyaaraha Puntland, bahda waxbarashada, haween, siyaasiyiin, aqoonyahano, ganacsato, gudoomiayha rugta ganacsiga iyo wershadaha Puntland iyo marti sharaf kale oo aad u badan.

Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan gudoomiyaha Tadamun oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xarunta Maandeeq loogu talagalay is dhexgalka dhalinyarada iyo bulshada si dhalinyarada looga mashquuliyo tahriibka iyo falalka xun.

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Axmed Cali Cabdilaahi Ciro oo dhankiisa munasabada ka hadalay waxa uu bogadiyey Maamulka Hay,dda khayriga ah Ee Tadaamun sida geesinimada leh oo xarun intaa leg uga hirgaliyeen Magaalada Boosaso.

Wasiirka shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland Cabdraxmaan Sheekh Axmed oo isan goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan furitaan beerta nasashada iyo jirdhiska ee Mandeeq, isagoo u mahad celiyey hay’addi magalada ka hir gelisay xarunta ee Tadamun.

Inta ay Munasabadu socotay wax goobta ka hadlay masuuliyin kala duwan waxayna dhamntod bogadiyeen gobtan casriga ah ee lagu magac daray beerta nasashada iyo jirdhiska ee Maandeeq.
Ugu dan banti masuuliyinta ka qab galy Munasabada ayaa kor meeray qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Xarunta casriga ah Ee Nasashada iyo jir dhiska Ee Mandeeq.