Faahfaahin kasoo baxaysa shil khasaare geystay oo ka dhacay Garowe

Waxaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Garowe shil gaari oo sababay dhimashada ilaa 5 qof iyo dhaawaca 4 kale, ka dib markii ay isku dhaceen labo baabuur oo mid ka mid ah yahay gaari booyad ah oo biyo xareed ah sidey iyo gaari kale oo ah dhayne nooca Soomaalidu u taqaano Dhikilo.

Faahfaahin kazoo baxaysa shilkan ayaa sheegaya in afar ka mid ah dadka ku dhintey shilka ay ahaayeen Odoyaasha magaalada oo u socday xalinta arrimo la xiriira qabiil sida uu warbaahinta u xaqiijiyay duqa caasimada Puntland Xasan Maxamed Ciise (Xasan Goodir).

Dhanka kale Taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Puntland Kornayl Axmed Cabdi Cali ayaa sheegay inay baaritaan ku samaynayaan shilkaan dhacay, wuxuuna farey darawalada gadiidka inay mar walba muujiyaan taxadar madaama lagu jiro xilli roobaad oo ay suuro gal tahay inay dhacaan shilalka ugu badan.

Sawirro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST