Dowlada China oo maxaabiis ku wareejinaysa Puntland

Ciidamada Dowlada China ayaa lagu wadaa inay dhawaan ku wareejiyaan Dowlada Puntland maxaabiis burcad badeed Soomaali ah oo la qabtey xilli ay doonayeen inay afduubtaan markab xamuul ah oo laga leeyahay dalka Hindiya sida uu warbaaahinta u xaqiijiyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Badda Puntland.

Wareejinta Maxaabiistan ayuu sheegay Agaasime Cabdimajiid Samatar Jaafaan inay ka dambeysay ka dib wada hadal dhex marey Puntland iyo Ciidamada ku sugan biyaha Soomaaliya ee  La-dagaalanka Burcadbadeeda.

Wuxuu intaas ku daray in tiradoodu yihiin maxaabiista Ciidamada China ku wareejin doonaan Puntland ilaa shan qof oo saddex ka mid ah magacyadoodu kala yihiin.

  1. Maxmed Cabdulahi Maxmed.
  2. Cabdikariin Saalax maxmed,
  3. Maxmuud Mahad Yuusuf.

Xabsiyada Puntland waxaa ku xxiran maxaabiis boqolaal dhaafaya oo ka mid ah burcad badeeda Soomaalida ee laga soo wareejiyay dalal ku yaala dibada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST