Puntland oo dib u eegaysa Manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare.

Waxaa magalada Garowe xarunta Puntland ka furmay shirwayne ballaaran oo ku saabsan turxaan bixinta iyo ansixinta qaab dhismeedka manhajka waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland, kaasoo ay soo qaban qaabisay Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland iyo Hay’adda Mercy Crops.

Shirkan oo labo maalmood soconaya waxaa furitaankiisa kasoo qayb galay  Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland Prof: Abshir Yuusuf Aw Ciise iyo,Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waxbarshada Dr Maxamed Cali Faarax,Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Waxbarshada Maxamed C/qaadir Cismaan,Agaasimo Waaxeedada kala duwan ee Wasaaradda iyo  Masuuliyiin kale oo ehel u ah waxbarashada Puntland.

Agaasimaha WaaxdaTaya-dhawrka Manaahijta iyo  Kormeerka Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare C/qaadir Yuusuf Nuux ayaa ka waramay barnaamijkan iyo warbixintiisa,wuxuuna sheegay inay ahmiyad gaar ah u leedahay hiigsiga waxbarashada Puntland,wuxuuna xusay inay juhdi iyo dadaal faro badan galiyeen manhajkaan.

Madaxa Mercy Crops Maxamed Xirsi oo isaguna goobta ka hadlay ayaa yiri  hal ku dhigaan “Bare Tayo iyo Aqoon Leh ayaa  soo saara Arday Aqoon iyo  Anshax ku sifoobay”

Agaasimaha Guud  Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland Mudane Maxamed C/qaadir Cismaan  ayaa ku tilmaamay shirkaan loo fadhiyo inuu yahay Shir Qaran,wuxuuna sheegay inay ka qeyb galeen diyaarinta manhajkaan saraakiil u matalaysa bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Puntland Prof Abshir Yuusuf AwCiise ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada ay xukuumada ugu jirto  adkaynta iyo xoojinta  tayada waxbarashada iyo tir tirida jahliga, wuxuuna sharaxay istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha u salaysan dhinaca siyaasada Waxbarashada  iyo nidaamka lagu hirgalinayo fulinta qorshayaashan.

Sawiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST