Dowladda Kuuba oo Xaqiijisay in 8 Qof ay ku dhintee Diyaarad Ciidan oo gashay Shil

Sida ay shaacisay dowladda Dalkasi Kuuba diyaarad ay leeyihiin Ciidamada ammaanka dalkaasi ayaa kusoo dhacday gobolka Artemisa ee Waqooyi Galbeed ee dalkaasi.

Inta la la og yahay 8 qof ayaa ku dhimatay oo ay ka mid ahayeen Saraakiil Ciidan iyo sidoo kale duuliyihii diyaarada.
Diyaaradaasi  oo lagu magacaabo ANTANOV 26 ayaa ku burburtay Dhul Buuraley ah oo lagu magacaabo Loma de la Pimienta.

Mas’uuliyiinta Wasaarada difaaca ayaa ku baaqay in baaritaan si dhekhso ah loogu saameeyo sababihii ka dambeeyeen in diyaaradaasi ay soo dhacdo.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST