Xuska maalinta bahweynta xanaanada xoolaha oo lagu qabtey Garowe

Kulan lagu xusayo maalinta bahweynta Xanaanada Xoolaha ee Aduunka ayaa maanta lagu qabtey magaalada Garoowe ee Caasumada Puntland,iyaadoona kulanka xuska maalinta ay soo qaban-qaabisey Ururka xirfadlayaasha xanaanada xoolaha ”Pulpa” waxaana fangareeyey Haya’dda ”AUIBAR”.

Waxaa kasoo qeybgalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada ahna sii haya Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland, Wasiir kuxigeenka Qorsheynta maamulka Hirshabelle, Duqa Degmada Garoowe,Guddoomiyaha Uruurka ”Pulpa” iyo Madax Mashruuca Esolf ee Haya’dda ”Auibar”.

Guddoomiyaha Ururka Xirfadlayaasha Xanaanada Xoolaha ”Pulpa” oo kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeyey taariikhda Ururkan iyo sababaha loo asaasey.

Xasan Maxamed Ciise ”Goodir” oo isna ka hadlay Munasabada ayaa sheegay in Xoolaha Puntland ay yihiin kuwo tayo leh waqtiyadii u dambeeyay ee barwaaqadu ka jirtay Puntland.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ahna sii haya Wasiirka Wasarada Xanaanada Xoolaha Puntland ayaa dhankiisa ugu hanbalyey Bahweynta Xanaanada Xoolaha.

Maxamed Cabdi Cabdillaahi oo ah Wasiirka Qorsheynta Maamulka Hirshabele ayaa isna dhankiisa sheegay in Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland ay ka mid tahay wasarada ugu shaqada badan dalka.

Ugu danbeena waxaa soo xirey munaasabadan lagu xusayey maalinta Bahweynta Xanaanada Xoolaha ee Aduunka Cabdirisaaq Jaamac Maxamuud oo ah Madaxa Mashruuca Esolf ee Haya’da ”AUIBAR” wuxuuna sheegay in maalintan tahay maalin ku weyn Bahweynta Xanaanada Xoolaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST