Roobab ka da’ay Gobalada Karkaar, Bari iyo Haylan

Bosaso-[Puntland Post] Roobab wanaagsan oo ay ku diirsadeen duunyada ay abaartu samaysay ayaa ka da’ay deegaano kala duwan oo kamid ah Gobalada Karkaar, Bari,iyo Haylan 24 Saac ee ugu danbeyey.

Gobalka Karkaar waxa uu ka Da,ay Magaalada Qardho, Bandar Bayla, Dhuudo, Rako, Xubeys, Meygaag, Qodxan, Sarmaan iyo Deegano kale.

Gobalka Bari, waxa sida oo kale ka Da,ay Roobab iyadoona gobalkaasi uu ahaa dhulka ay Reer guuraga ugu badan ay ku soo hayaamen, Degmada iskushuban, Balidhidin iyo Deegano kale ayaa lasheegay in Roobab fiican oo dadku ku diirsadeen ay qabteen.

Dhinaca kale Gobalka Haylan ayaa ka mid ahaa dhulka ay Roobabku qabteen mana jirin wax khasare ah oo ay Roobabku gesteen inta la,ogyahay .

Farxada curashada raxmada Eebe ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha dalka oo sanadihii u dambeeyay ay ka jirtay xaalad aad u cakiran oo sababtey inay ku cayroobaan kumanaan kun oo qoys ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii.

isha ku Hay warbxiniihii ugu danbeyey Ee Roobabka Puntland Post

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST