Roob lagu diirsadey oo galabta ka da,ay magaalada Garowe

Waxaa galinkii danbe ee maanta ka bilowday magaalada Garowe roobab lagu diirsaday, waxaana jidadka iyo gudaha magaalada qulqulaya biyo dhig uu sameeyay roobku.

Roobkan oo maalintii labaad qabta magaalada Garowe ayaa qeyb ka ah roobabka gu,ga oo maalmihii lasoo dhaafey si lixaad leh uga curtey deegaano ku yaala Gobolada Soomaaliya.

Waxaa laga dareemayaa wajiyada dadka farxad iyo dareen mug weyn oo ku qotoma sida ay ugu riyaaqsan yihiin curashada raxmada Eebe ee cirka kasoo hoortey xilli bilihii u dambeeyay ay dalka ka jirtay abaaro aad u adag.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST