Garowe oo maanta lagu daahfurey mashruuca dhismaha wadada Eyl

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta ku daahfurey magaalada Garowe dhismaha mashruuca wadada dheer ee Degmada Eyl Gobolka Nugaal, waxaana kasoo qeybgalay xafladii lagu daahfurayay Issimo, Masuuliyiin ka socota Shirkadda CCICC oo laga leeyahay dalka China, Culimo iyo Qeybaha kala duwan ee Dowlada Puntland.

Dhismaha wadada EYL waxaa fulinaysa shirkad laga leeyahay dalka CHINA oo horey u dhistay garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso, waxaana ku lamaan dhismaha wadadan mashruuc kale oo isla shirkaddaan ku dhisayso Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo.

Ka dib daahfurkii mashruuca lagu dhisayo wadada EYL Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo Masuuliyiinta Shirkadda CCICC waxay u duuleen magaalada Gaalkacyo oo lagu wado inay isla maanta ka dhagax dhigaan dhismaha mashruuca Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST