Wareysi:- Roob galabta qabtey deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal

Roobab lagu diirsaday ayaa galinkii dambe ee maanta ka da,ay deegaano ku yaala Hawdka Gobolka Nugaal siduu sheegay Maxamed Xirsi Garweyne oo ah Gudoomiyaha Tuulada Awrculus oo sheegay in qaboojin yar qabatey galabta tuulada uu ku sugan yahay balse roobka xoogiisu ka da,ay deegaano ku yaala inta u dhaxaysa Tuulooyinka Reemanti iyo Awrculus ee Hawdka Gobolka Nugaal

Maxamed Xirsi Garweyne oo PUNTLAND POST wareysi kula yeelatey telefonka ayaa intaas ku darey inuu ahaa qaabka curashadiisu daruur daruur  roobka galabta qabtey deegaano ka tirsan hawdka Gobolka Nugaal  ilaa markii dambe uu noqday roob mahiigaan ah oo uga sii gudbay Nugaal deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Farxada curashada raxmada Eebe ayaa si weyn looga dareemayaa gudaha dalka oo sanadihii u dambeeyay ay ka jirtay xaalad aad u cakiran oo sababtey inay ku cayroobaan kumanaan kun oo qoys ka dib markii ay ka dhamaadeen xoolihii.

Dhagayso wareysiga roobka

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST