ROOBKII GALABTA & XAQIIQDA DHULKA Puntland

INTA laga war hayo wuxuu si fiican u biyo dhigay roobkii galabta qabtey deegaano ku yaala GOBOLKA NUGAAL dhul u badan dooxooyin oo aan lahayn barkado iyo Saddex tuulo,waxaana ka mid ah dooxooyinka

  1. DHARKAYNLE
  2. Qaydar dhuunte.
  3. Jimbacle.
  4. Jilabbe.

Tuulooyinka roobku biyo galiyay barkadahooda waxaa ka mid ah

  1. KABAAL
  2. Casbal dhoole
  3. Shilimxaraare

Ka dib wuxuu uga sii gudbay roobka xoogiisu Caduunka kasoo horeeya Degmada Jariiban ee GOBOLKA MUDUG oo uu caawa hilaaciisu kasii bilig bilig leeyahay.

Inta badan dhulku waa Abaar marka laga reebo Gobolada Waqooyi oo roobab lixaad leh ka da.een 72 saac ee lasoo dhaafey halka ay fara ku tiris yihiin deegaanada kale ee Soomaaliya iyo Puntland oo roobab lagu diirsadey qabteen.

RAJADU ma xuma marka la eego jawiga kulul iyo sadaasha isa soo tareysa, balse inta uu ka war hayo Wariye Abshir Dhiirane taariikhda wali kuma arkin mid la mid ah dareenkaan ku dhisan niyadda oo dad iyo duunyo-ba si isku mid ah ay cirka uga wada dhawrayaan inay mar qura ka timaado FARXADDA Raxmadda Eebe

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST