Garowe:-Xaflad loo qabtey ardey dhamaysay waxbarashada farsamada gacanta iyo Cilaan-saarka

Ururka Bisha Cas ee Gobolka Nugaal ayaa maanta xaflad qalin jabin ah  u sameeyay dufcadii labaad oo dhamaysa xirfadaha gacanta dharka iyo cilaan saarka, waxaana kazoo qeyb galay Xoghayaha ururka bisha cas ee Gobolka Nugaal Maxamuud Ismaaciil Carabey, Kuxigeenka agaasime hay,adda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Dowlada Puntland Ahna Gudoomiyaha bisha cas ee Gobolka Nugaal Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne) iyo Xoghayaha Bisha cas ee Gobolka Mudug.

Waxaana loo qabtey xafladda 15 Ardey oo ururka bisha cas muddo lix bilood ah uu barey waxbarasho la xiriirta sida dharka midabka looga bedelo,xinaha iyo qurixinta dumarka.

Gudoomiyaha Ururka bisha cas ahna Agaasime kuxigeenka Hay,addaha socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland Cabdikariin Dhagaweyne oo ardeyda waxbarashada dhamaysay gudoonsiiyay shahaadooyin ayaa kula dardaarmay inay naftooda iyo dadkaba uga faa,iideeyaan cilmiga la barey.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay xaflada ururka bisha cas uu u sameeyay dufcadii labaad oo ka qalinjabisa xirfadaha gacanta dharka iyo cilaan saarka ruwaayad ay soo bandhigeen Ardeyda dhamaysay waxbarashadaan.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST