Eng Camay oo dhaliilay Cumar Faraweyne iyo Gen Muxuyadiin

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Camey ayaa maanta hadlay shir dhawaan ay ku wada qaateen magaalada Garowe Maamulka Gobolka Nugaal, Taliyaha la dagaalanka Argagixisada iyo Rag ka tirsan Ururka Al-saadicuun.

Cabdixakiin Camay ayaa sheegay  in Ururka Al Saadicuuna Bil-xaq uu xaaraan yahay , dowladda Puntland ay ku taagan tahay siyaasadeedii hore ee mamnuucida.

Camey wuxuu dhaliilay in Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Gen Muxiyadiin ay la kulmeen ururkaasi oo ay warbaahinta ka sheegeen war aan dowladda mowqifkeeda aheyn.

Wuxuu sheegay in Puntland ay tahay tii ugu horeysay ee go’aan kasoo saarta ururkaasi go’aankeedana sidii hore yahay oo ururkaasi mamnuuc ka yahay Puntland, taasina uu u cadeynayo maamulada kale ee dalka oo soo weydiiyey in Puntland go’aankii hore kaga baxday!

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST