Wasaradda Caafimaadka Puntland Oo Boosaso ku Xustay Maalinta Dumada

Boosaso[Puntland Post]Sanad kasta Maanta oo kale Waxa Caalamka laga Xusaa Maalinta Dumada [MalariA] Waana maalin lagu iftiiminyo Khatarta Baahsan Ee ay leedahay Dumadu .

Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Noqotay meesha ugu wayn ee laga xusay maalinta Malariyada aduunka  guud ahaan Puntland  waxaana la sheegay inay tahay meesha Ay ka jirto khatarta ugu wayn ee Maleeriyada deegaanada Puntland .

Munaasabada lagu xusayay isla markaana Bulshada looga wacyigalinayay dhibaatada duumada oo ay soo Qaban Qaabisay Wasaradda Caafimadka Puntland iyo Hay,daha kala Shaqeeya Cudurka Duumada ayaa lagu Qabtay Hoolka xalfadaha Ee Hotel Gacayte Ee Boosaso.

Xuska maalinta duumada aduunka waxaa kasoo qaybgalay Wasiir wasarda Caafimdaka Puntland Duqa Degmada Boosaso Gudoomiye Kuxigeenka Gobalka Bari. Bahada Caafimadaka gobalka Bari, Arday Barata Caafimaadka iyo Bulshada Qaybeheeda kala duwan.

Dr Abdikariin Xuseen Xasan  oo ah madaxa la dagaalanka Malariyada  ee Puntland ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha Sababay in Gobolka bari oo aan Awal Duumada lahayn uu haatan noqdo meel ay ka jirto khatarta Duumada sii faafaysa.

Dr Tedla  oo ka socday UNICEF  Golo bal Fan waxa uu sheegay Soomaaliya Gaar ahan Puntland aya ka Caawin doonan dadaalada lagula dagaalamayo cudurka duumada waxan sida oo kale uu ka sheekeyey in uu hoos u dhac badan ku yimid Cudurka duumada Meelo badan oo soomaliya ka mid aha.

Duqa Degmada Boosaso Yaasin Mire Maxamuud ayaa sheegay in si dhawa xiriir uu ula saman doonan wasaradda Caafimdka Puntland si ay meel uga soo wada jeestan cudurka Duumada Ee ku sii baahaya Magaalada Boosaso waxana uu bulshada Reer Boosaso ugu baaqay in ay ka feejignadan wax yaabaha dhalinaya Cudurka Duumada .

Wasiirka wasarada Caafimadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise oo ugu dnabantii ka hadlay Munasabada lagu xusayey Maalinta Duumada aduunka oo lagu qabtay Boosaso ayaa ku dheerada sida loo ciribtiri karo Cudurka duumada oo xiligan faro ban ku haya Deegano ka tirsan Puntland Gaar ahan Magaalada Boosaso.

Dinaca kale Wasarda Caafimadka Puntland ayaa Boosaso ka daah firtaya Barnaamij lagula Dagalamayo Cudurka Duumada oo saman wan ku haya Bulshada Boosaso .

Wasardda Caafimadka Puntland ayaa sanadkasata xiligan oo kale qabato munasabado lagu wacyi galinayo bulshada kaas oo lagula dagalamayo Cudurka Dumada ,waxana ay Boosaso Noqotay meelaha ugu daran Ee uu ku faafo Cudurka duumada .

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,

XAFIISKA BOOSASO