Puntland oo Bosaso ku soo bandhigtay Qaraxyo iyo Ragii Watay

Bosaso-[Puntland Post] Taliska Qeybta Booliska ee gobolka Bari ayaa Saldhiga Bartamaha ee magaaladda Boosaaso ku soo bandhigay 5 nin oo la sheegay iney wateen waxyaabaha Qarxa islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Madaxtooyada.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobalka Bari Gaashaanle Dhexe C/Xakiin Yuusf Xuseen oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay Ragan ayaa waxa uu sheegay in Qaraxyadan ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Madaxtooyada Puntland Loola dan lahaa in laga fuliyo Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari,.

Cabdixakiin Yuusuf Xuseen ayaa ka gaabsaday in uu wax faahfaahin ah ka Bixiyo halka Qaraxyadan lagu fulin lahaa balse wax uu sheegay in ay Ciidamada Amaanka Puntland ay wali wadan baaritaano la xiriira Arimahaasi.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa horay uga dhacay dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay sheegteen Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadyo ka hor Maxkamadda Ciidamada Puntland dil toogasho ah ku fulisay illaa shan dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, horayna dilal uga geystay Boosaaso.

Daawo shirka Jaraaid Ee Taliyaha Qabta Gobalka Bari Cabdixakiin Yuusuf Xusee.

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND PSOT