Puntland oo 12 gaarsiisay gadiidka gurmadka biyo dhaanka.

Puntland ayaa gaarsiisay gadiidka Dowlada ee loogu tala-galay samafalka gurmadka biyo dhaanka abaarta, Waxaana kusoo biirey 6 gaari oo horey hawlo biyo dhaan uga waday deegaano ka tirsan Puntland 6 baabuur oo cusub kuwaas oo ay shalay kula wareegtay magaalada Garowe Wakaaladda Puntland u qaabilsan Tamarta iyo Biyaha.

Gadiidkan oo ay saaran yihiin haamaha waaweyn ee biyaha ayaa lagu soo iibiyay lacag deeqdii labaad ah oo Puntland kazoo gaartey guddiga gurmadka abaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay kordhinayso gadiidka loogu tala-galay gurmadka biyo dhaanka abaarta, waxayna muddo ka yar 2 bilood ku guulaysatey inay soo iibiso 12 booyadood.

Sida lagu wado gadiidkan ayaa ka bilaabi doona hawlo samafal oo biyo dhaan ah deegaano ka tirsan Gobolada Mudug,Sanaag,Cayn iyo Sool, Iyadoona wali hawlo biyo dhaan ka wadaan deegaano ka tirsan Nugaal iyo Karkaar 6dii gaari ee ugu horeeyay.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST