Markab shidaal sida oo laga badbaadiyay burcad badeed Somali ah

Ciidamada NATO ee hawlgalka la dagaalanka burcad badeedka ka wada biyaha badda Soomaaliya ayaa warbixin kazoo saarey weerar looga badbaadiyay kooxo burcad badeed Somali ah markab shidaal sida oo lagu magacaabo COSTINA Islamarkaana uu ka babanayo calanka dalka Spian oo maraya biyaha Soomaaliya gaar ahaan meel 14 mile u jirta xeebaha Gobolka Bari.

“Telefon deg deg ah baanu ka helnay Kabtanka Markabka ESPS Galicia, waxaana si dhakhso ah usoo aadnay dhinicii markabka lasoo weerarey (Costina), burcad badeedii weerarka waday markii ay ogaadeen markab ciidanka dagaalka ee Yurub (EU NAVFOR) inuu kusoo socdo way  carareen” ayuu yiri Afhayeen u hadlay ciidanka hawlgalka ka wada biyaha badda Soomaaliya

Markabka la badbaadiyay ayaa la sheegay inaanu jirin khasaare kabtanka iyo shaqaalihiisa kazoo gaarey weerarka burcad badeeda, wallow  meelo ka mid ah markabka ay daldaloolisay xabadihii ay ku rideen burcaddu,

Warkan ku saabsan Markab laga leeyahay dalka Spain oo laga badbaadiyo kooxo burcad badeed ah ayaa noqonaya weerarkii ugu danbeeyay oo la sheego inuu burcad badeeda uga yimaado maraakiibta maraya meelo u dhaw biyaha Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.