Ciidamada Difaaca Puntland Oo fashiliyey Qaraxyo loo Qorshaynayey Bosaso

Ciidamada Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Boosaaso kusoo qabtay qaraxyo laga geysan rabay Boosaaso iyo raggii waday oo gaaraya 5 qof.

Howlgalkaan ayaa socday 24 -kii Saac ee lasoo dhaafay sida uu sheegay taliyaha Ciidamada Madaxtooyadda Puntland.

“Waxaa lagu soo diyaariyay Fuustooyin saddex qaybood ah oo loogu talo galay in saddex gaari la saaro oo sadex meelood lagu qarxiyo waxay ciidanku gacanta ku dhigeen gaarigii siday iyo 5nin oo waday” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Cabdirashiid Cabdiraxiin Ismaaciil.

Ciidmada Puntland ayaa saak lagu wadaa in ay faahfahin ka bixiyaan qaraxyada halka laga keenay iyo cida wadatay  Ee lagu qabtay.

CABDIQANI BOS

PUNTLAND POST