Tartan Kubadda Cagta ah oo loo soo gaba-gabeeyay Xaafadaha Bosaso

Bosaso[Puntland Post] Tartan ciyardeedkan loo qabtay 16-ka Xaafadood ee Bosaso, dhalinyaro kala matalaysay ayaa waxaa qabatay Hay’adda Ciidanka Xooga Puntland ee PSF wuxuuna mudo ka socday gudaha Bosaso.

Munasabadi lagu soo xirayay ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Degmada Bosaso, Maamulka Gobalka Bari, Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya Iyo Puntland Ugaas Muxiyidiin Xaaji Cabdi Axmed iyo Sarakiisha Hay’adda PSF.

Ciyaarta ayaa waxaa gaba-gabadii isku arkay Kooxaha Raxiis Iyo Hormuud waxayna ciyaartu ahayd Weerar iyo Weerar Celin, balse guushu waxay raacday Kooxda Hormuud oo ka dhisan Bariga Magalada Bosaso gaar ahaan Xaafadaha Barakacyasha,waxayna Rigoore ama gool ku laad ku qaaday Koobkii mudooyinkii u danbeeyay ka socday Xarunta Hay’adda PSF e Boosaso,

Cabdilahi Shikh Nuur Gudomiye ku Xigeenka Xirirka Kubada Cagta Soomaaliya ayaa bogaadiyay Kooxda Hormuud Oo guushu raacday, wuxuuna sheegay iney tahay wax lagu faano in dhalinyaro degen Xeryaha Barakacayaasha ay ku guuleystaan Koobkan,

Duqa Degamada Bosaso Eng Yaasin Mire Maxamuud ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay ka Shaqeyaan Amniga, isagoo sheegay in tartankana uu qeyb weyn ka qaadanayo Is dhexgelka Bulshada.

Gudoomiye Ku Xigeenka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdilahi Ciro ayaa sheegay inay Ciyaartu tahay mid Amniga lagu sugayo, Isla markaana loo baahanyahay in dhalinyaradu ay noqdaan Hormuudka Nabadda.

Nabadoon Cabdicasiis Baydhabo oo ku hadlayay Afka Hay’adda Nabad Sugida PSF ayaa goobta ka jeediyay Khudbad ka hadlaysa Muhiimadda tartankan, Isagoona xusay iney sii wadayaan tartamada isdhex galka dhalinyarada, ee ay maal galinayso Hay’adda Nabad sugidda Puntland ee PSF,

Ugu danbeyna, Waxaa Abaal-Marino iyo Koob lagu gudonsiyay Kooxda Hurmuud oo hanatay Koobki dhex yaalay 16-ka Xaafadood ee Bosaso.

Hayada Ciidamada Puntland ee PSF ayaa sido kale Shahaado Sharaf gudoonsisay Warbahinta SBC oo qayb Ka Qadatay tabinta koobkan, mudadii uu socday.

DAAWO SAWIRADA :

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST, XAFIISKA BOOSASO