Garowe:-Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo xariga ka jaray Jawle Furniture Mall

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha,Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa xariga ka jaray xarunta iibka alaabaha guryaha iyo xafiisyada ee  Jowle Furniture Mall

Xaruntaan ganacsi oo uu furtay ganacsade Axmed Jaamac Jowle oo kamid ah ganacsatada Puntland ayaa ah xarun weyn oo la keenay qalabka guryaha iyo xafiisyada oo ah kuwa casri ah oo aan horey dalka loo keenin.

Munaasabad lagu daahfurayay xaruntaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland, wasiir ku xigeenka maaliyadda, guddoomiyaha Nugaal, Islaam Ciise Islaan Maxamed  iyo madax kale oo ka koobnaa saddexda golle ee dowladda iyo shacab.

Ganacsade Axmed Jaamac Jowle ayaa sheegay xaruntaan ganacsi inuu u furay kadib uu arkay baahida loo qabo in la helo qalabka guryaha sida fadhiyada iyo kuwa xafiisyada oo isugu jira labo nuuc oo kala ah Turkish iyo China.

Wuxu ugu bishaareeyay shacabka in bilaha ugu horeeyay ay qiimo jaban ku iibindoonaan qalabkaan oo uu sheegay inay dadku awal hore dalka dibadiisau dalban jireen iyagoo weli ay ku baxayso qarash aad u badan.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawweyne ayaa ammaanay xaruntaan ganacsi, wuxuuna sheegay inay qeyn weyn ka qaadanayso horumarka caasimadda , Wuxuu u mahad celiyay ganacsade Axmed Jowle oo maalgiisa geliyay wax anfcaya dadka iyo dalka.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa isagu goobta xaflada ka jeediyay hadalo u badnaa duco iyo baraarujin ku socotay ganacsadaha xaruntaan furtay Axmed Jowle, isagoo ugu duceeyay inuu ilaaheey kheyr iyo barako uga dhigo.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa isuguna goobta ka hadlay, wuxuuna bogaadin iyo hambalyo udiray mulkilaha xaruntaan oo uu ku ammaanay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo aaminay wadankiisa islamarkaana diyaar u ah inuu dalka keeno wax kaste oo shacabku dibada u doonan jireen.

Madaxwweyne ku xigeenka dowladda Puntland Eng. Camey o ugu dambayn hadlay ayaa bogaadiyay xaruntaan ganacsi, wuxuuna qiray inay tahay xaruntii ugu weynayd uguna wcanayd ee xariga ka jaro mudada uu Puntland joogo.

“Waa markii saddexaad oo aan xariga ka jaro xarun uu ganacsade Axmed Jowle furay, waxayna tilmaamaysa sida uu ugu bisil yahay ganacsiga iyo maalgashiga dalkiisa, waan hubaa inay xaruntaan tahay midii ugu wacnayd marka loo eego tayada qalabkaan la keenay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeena Puntland.

Wuxuu madaxweyne ku xigeenka ku booriyay Axmed Jowle inuu ganacsiga sii wado, isgaoo u raheeyay mustaqbalka dhow inuu kamid ahaa maalqabeenada.

Sawiro

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST