GAROWE :- Kooxo caafimaad oo loo diray gobollada Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta sagootisay kooxo caafimaad oo loo kala diray gobollada Puntland, kuwaasoo loo soo xiray tababar u socday muddo saddex casho ah oo ku aadanaa sida ay shacabka ugu shaqaynayaan,Waxaana ka qeyb galay munaasabad sagootin ah oo maanta Garowe loogu sameeyay kooxo gaaraya 26 qeybood Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland iyo xubno katirsan mas’uuliyiinta wasaaradda .

“Waxay ka koobanyihiin koox kasta 4 xirfadlayaal shaqo, kuwaasoo isugu jira qof dhakhtar ah, qof tallaale ah, qof warbixinta qoraya iyo qof wacyigaliye ah. Qorshuhu wuxuu yahay inay ka howl galaan dhammaan gobollada Puntland,”Ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdirasaaq Xirsi Xasan oo ka hadlayay munaasabadda lagu sagootinayay kooxahaasi.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke ayaa faah faahin ka bixiyay sida kooxahan loogu kala qaybinayo dhammaan gobollada Puntland, wuxuuna sheegay,”Gobolka Bari Saddex kooxood ayaa aadaya, gobolka Gardafuu Afar baa aadaya, gobolka Karkaar Saddex baa aadaya, gobolka Nugaal Saddex baa aadaya, Sanaag labo, Haylaan labo, Cayn saddex, Sool labo, Mudug afar, tirada Guud marka la isu geeyo waa 26 kooxood oo tiradoodu dhammaan doonto 104 ruux”.

Cuuke, ayaa sheegay inay ku kalsoonyihiin dadkan loo diray gobollada Puntland maadaam uu xusay inay qaateen tababar la xariira howlaha ay qaban doonaan iyo sida ay ula macaamilayaan dadweynaha. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo soo xiray munaasabadda lagu sagootinayay kooxahan ayaa sheegay inuu dhawaan safar ku maray qaybo kamid ah gobollada Puntland islamarkaana uu soo arkay shaqada ay wasaaraddu qabatay.

“Waa waajib waana mudanyihiin in la magacaabo oo looga mahadceliyo shaqada ay hayaan, laakiin waxaan qirayaa shaqo saddex jibaaran ama Afar jibaaran oo wasaaradda caafimaadka Puntland qabatay inaan kusoo arkay meel kasta oo aan safar kusoo maray, waana idiin ka mahadcelinayaa,”Ayuu yiri mudane Camay.

Wuxuu kula dar-daarmay kooxaha la diray inay u adkaystaan dhibaatooyinka yar yar ee laga yaabo inay soo wajahdo mudada ay shaqada loo wakiishay ku jiraan. Mar uu ka hadlayay dedaalka dowladda iyo baaqyadii ay u direen dowladaha taageera Somalia, wuxuu xusay inaysan ku filnayn kaalmada ka yimaada beesha caalamka, balse loo baahanyahay in shacabka Puntland isku tashadaan oo dhex-dooda is-kaalmeeyaan.

Wasaaradda Caafimaadka, ayaa wada dedaal xoog leh tan iyo markii ay deegaanada Puntland ku dhufatay abaarta ka jirta Somalia, waxayna kooxo caafimaad oo ka shaqaynayay arrimaha caafimaadka iyo la tacaalidda cuduro ka dhasha xaaladdan adag uu kala dirtay waqtiyo kala duwan gobollada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST