Galmudug oo soo furatay koox Ajaanib oo ay heysteen Burcad badeed Soomaali ah

Ciidamada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa soo badbaadiyay Ajaanib u Afduubnaa kooxo burcad badeed ah, kuwaasi oo u dhashay Soomaaliya.

Ajaanibtan ayaa dhowaan waxaa laga Afduubtay Degaanka Ceelhuur oo ka tirsan Gobolka Mudug, sida ay sheegeen sarakiisha ammaanka ee Maamulka Galmudug.

Wuxuu sheegay in iyadoo la adeegsanayo Awood Ciidan lasoo badbaadiyay 2 kamid ah shaqaalaha Doonta Al Kowsar oo dhalashadoodu tahay wadanka Hindiya  iyo doontii aduubka loo heystay.

Waxa kale oo ay  sheegn in ciidamada Ammaanka ay ku raad joogaan 8 kamid ah shaqaalihii la socday doonta, kuwaas oo burcadbadeeddu hore uga dajiyeen doonta islamarkaana lagu hayo dhulka xeebta ah deegaanada Galmudug.

Wixii soo kordha la soco Putntland Post Insha Allah

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST