Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta tababar u furtay shaqaalaheeda

Wasaaradda caafimaadka dowladda Puntland ayaa maanta tababar u furtay shaqaalaha caafimaadka ee sagaalka gobol Puntland, kuwaas oo loo tababarayo cudurada kala ah, Shubanka, Malaariyada, Jadeecada iyo cudurada degdega ah ku dhaca Saableyda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegey shaqaalaha caafimaad inay tagidoonaan deegaanaada cuduradaan lasoo sheegay, si ay ugasoo jawaabaan, wuxuuna sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay gurmadka caafimaadka ee abaaraha.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cuuke oo furay tababarkaan ayaa sheegay nuhiimada barnaamijkaan inuu yahay in shaqaalaha caafimaadka lagu tababaro sidii ay aqoon dheeraad ah ugu yeelan lahaayeen cudurada iyo astaamahooda. (Case Definition)

Dr. Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay inay kula xisaabtamidoonaan shaqaalaha caafimaadku waxyaabaha la sugayo oo ah inay kasoo jawaabaan cuduro badan oo ku dhacay dadka abaaruhu saameeyeen, cuduradaas oo isugu jira kuwa kala duwan oo u baahan tahay inaan la isku qaldin.

“Qofkii dhaqtarnimo la biday oo Ilmihii loo keenay wuxuu doonay isaga xaaray, waa dhibaatada aan ka cararayno, marka waxaa la idinka rabaa inaad jeebkiina ku qaadatan cudur walba iyo micnihiisa ama sharaxaadiisa,” ayuu yidhi wasiirka caafimaadka.

Waxaa kale oo wasiirku sheegay inay shaqaalaha kula xisaabtami hab isticmaalka daawooyinka, isagoo cadeeyay wasaaraddu inay bixindonto daawo qiyaasan oo lagu jaangoyndoono muddada la rabo iyo inta qof loo baahan yahay in lasiiyo.

DAAWO SAWIRRADDA.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST