Warmurtiyeed:- Shirweynihii 2aad Deegaanka Puntland oo lasoo gabagabeeyey

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada Puntland lagu soo gabagabeeyey shirweynihii labaad oo looga arinsanayey arimaha Deegaanka ee Puntland kaas oo ay soo qabanqaabisay Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland, shirkaan ayaa maanta si weyn loogu sii amba qaaday falanqaynta iyo ka arinsashada xaalada adag ee uu Deegaankeenu ku suganyahay.

Shirka maanta waxaa laga soo jeediyey khudbado la xiriira Xaalada abaarta ee Puntland, doorka islaamka ee arimaha deegaanka, la tacaalida iyo la qabsiga Abaaraha, kor u qaadida awooda bulshada ee adkaysigooda dhibaatooyinka Deegaanka iyo arimo kale waxaana khudbado kaladuwan ka akhriyey halkaas wakiilo ka kalasocday Jaamacadaha kuyaala Puntland, Hay’adda maaraynta Musiibooyinka Puntland, Machadka SIDRA iyo PDRC.

Soo xiritaanka shirka waxaa kasoo qaybgalay madax ka socotay wasaaradaha dawlada Puntland la shaqeeya, gudoomiyeyaasha gobolada iyo Degmooyinka Puntland, Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska, Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, masuuliyiin, ururada kaladuwan ee bulshada, culimada Diinta iyo wakiilo kale oo kala matalayey qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo shirka soo xiray ayaa ku dheeraaday in bulshada looga baahanyahay inay siwayn xil isaga saaraan xaalada Deegaanku kusuganyahay,sidoo kale wuxuu maamulada degmooyinka iyo gobolada ugu baaqay inay xooga saaraan sidii looga shaqayn lahaa dhibaatooyinka lagu hayo deegaanka gaar ahaana Qashinka oo meel walba oo Iridaha laga soo galo magaalooyinka Puntland daadsan.

Wasiirku sheegey in wasaaradu ay sii laba jibaarayso xafiisyada ay kuleedahay degmooyinka Puntland mardhwna ay rajaynayaan wasaaradu in ay Degmo kasta oo Puntland ku taala ay xafiis ku yeeshaan, Wasiirka ayaa khudbadiisa kadib shahaadooyin gudoonsiiyey degmooyinka Puntland qaarkamid ah oo waxwayn ka qabta arimaha deegaanka, ehelada mid kamid ah Odayaasha degmada Buraan oo ku dhintay isagoo difaacaya Deegaanka kana soo horjeeda in la xaalufiyo iyo Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo u qareema arimaha Deegaanka, Dalxiiska iyo taageerida Dadka tabaalaysan, waxaana laga soo saarey shirka Warmurtiyeed ku saabsan xaalada Deegaanku kusuganyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in wax looga qabto waxaana uu u qornaa sidan:-

War murtiyeedka Shirweynihii 2aad ee Deegaanka Puntland (Conference Communique)

Garowe                                                                    9th April, 2017

Shirweyanahii 2aad ee Deegaanka Puntland ayaa wuxuu ka dhacay Jaamacadda Puntland State University (PSU) ee magaalada Garoowe intii u dhaxaysay 8-9, April 2017. Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisey Wasaaradda Deegaanka oo gacan ka helaysa mashruuca “Deegaankaagu waa Noloshaada” oo ay fuliyaan hay’adaha CARE iyo ADESO uuna maalgeliyo Midowga Yurub.

Shirweynaha waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne Ku xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka ahna ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Puntlnad, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaaladda,Haweenka iyo Qoyska, Kaluumaysiga, Howlaha Guud iyo Guriyeynta, iyo Dastuurka iyo Arrimaha Federalka, Guddoomiyeyaasha 9-ka Gobo lee Puntland, Agaasimayaasha guud ee Caddaaladda, Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Qurba-joogta Puntland, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Eyl, Jariiban, Bayla, Baargaal, Burtinle, Dhahar, Iskushuban, Baran, Qardho, Rako, Galdogob, Taleex, Madaxda Wasaaradda Deegaanka ee ka howlgala Xafiisyada Wasaaradda Deegaanka ee heer Gobol iyo heer Degmo, masuuliyiin matalaysay bulshada rayidka Puntland iyo Bahda Tacliinta Sare iyo Cilmi baarista Puntland.

Shirweynaha waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, waxaana looga gol-lahaa ujeedooyinka soo socda:

v  In la curiyo wada xaajoodyo  kudhisan is fahan dhexmara daneeyayaasha ay ka dhaxayso  ilaalinta iyo dhawrista  Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland.

v  In la iftiimiyo xaaladda dhabta ah ee ka jira deegaanka Puntland iyadoo  lala xiriirinayo hab nololeedka bulsho waynta Puntland

v  Soo bandhigidda xaaladda abaareed  ee Puntland iyo soo jeedinta hababka loo maarayn  karo saamaynta abaaraha iyo isbadalka cimiladu ku yeesheen deegaanka Puntland.

v  Baahinta iyo faafinta guulihii laga gaaray iyo casharadii laga bartay mashruuca badbaadinta khayraadka dabiiciga ah.

Guud ahaan Shirweynaha waxaa lagu falan qeeyey laguna soo bandhigay arimaha soo socda:

  1. Dhaqan gelinta shuruucda iyo siyaasadaha ilaalinta deegaanka
  2. Isbedelka cimilada, la tacaalida, la qabsiga abaaraha iyo ka faa’iidaysiga biyaha roobka
  3. Dhowrista,  ilaalinta iyo horumarinta dhuldaaqsimeedka iyo duur joogta
  4. Doorka bulshadu ay ku leedahay maaraynta khayraadka dabiiciga ah
  5. In la helo  ilo tamareed badiil u noqon kara gubidda Dhuxusha.

Waxaa kaloo mudadii uu socday shirweynuhu la soo bandhigay waxqabadkii Wasaaradda deegaanka ee ku aadanaa la tacaalida dhibaatooyinka deegaanka oo ay ka mid yihiin ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo in dalka laga hirgaliyo biyo xireeno iyo biyo qabatinno loo baxsado xiliyadda abaaraha isla markaana loo yareeyo saamaynta isbedelada cimilada ay ku yeelatay dalkeena. Waxaa sidoo kale shirweynaha lagu soo bandhigay siyaasadaha iyo sharciyada deegaanka, iyo dib u soo nooleynta dhul daaqsimeedka, maamul baahinta iyo kobcinta kartida Wasaaradda Deegaanka.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa la isku raacay qodobadaan soo socda:

  1. In Wasaaradda deegaanku ay dar-dar geliso ka faa’iidaysiga biyaha roobka isla markaasna ay ka hirgaliso gobolada Puntland oo dhan biya xireeno sidoo kalena ay horumariso farsamooyinka casriga ah ee ka faa’iidaysiga biyaha roobka ee badda ku shubmaya mar kasta oo roob da’o.
  2. Waxaa la isku raacay in dowladda iyo Shacabweynaha reer Puntland ay si wadajir ah isaga kaashadaan wax ka qabashada xaalufka Deegaanka iyo dhowrista dhul daaqsimeedka. Sidoo kale in wasaaradda Deegaanku ay kordhiso howlaha la dagaalanka xaalufka isla markaasna ka hirgeliso Gobolada dalka oo dhan biyo weecinno iyo biyo hakisyo si ay uga qaybqaataan dib u soo noolaynta dhul daaqsimeedka.
  3. Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loo fuliyo shuruucda iyo siyaasadaha lagu ilaalinayo Deegaanka, isla markaana ay Dowladda dhexe kordhiso qoondada miisaniyadeed ee Wasaaradda Deegaanka si ay wax uga qabato howlaha Ilaalinta Deegaanka.
  4. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada reer Puntland, lana hirgaliyo “Ololaha TABLIIQA DEEGAANKA”,  sidoo kalena bulshada laga taageero xaga tababarada ilaalinta Deegaanka si ay qayb libaax uga qaataan ka faa’iidaysiga khayraadkeena dabiiciga ah iyo ilaalina deegaanka.
  1. In la horumariyo ilo tamareedyada badiilka ah (alternative energy) si looga maarmo dhuxusha.
  1. Waxaa Shirweynuhu bogaadiyey guud ahaan wax qabadkii Wasaaradda gaar ahaanna guulihii laga gaaray mashruuca “Deegaanku waa noloshaada” ee ay maalgelisay Midowga Yurub.
  2. Wuxuu shirweynuhu aad ugu riyaaqay una soo dhaweeyey  waxqabadka Wasaaradda ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo dhisidda Biyo- xireenada, taas oo laf dhabar u ah nolosha reer miyiga iyo u adkeysiga saamaynta abaaraha iyo isbedelka cimilada.
  3. Waxaa la isla qaatay in dhammaan laamaha sharci fulinta ee Dawladda Puntland ay dhaqangeliyaan xeerarka iyo siyaasadaha ay Wasaaradda Deegaanku sameysay.
  4. Waxaa la isku raacay in muhiimad gaar ah la siiyo ilaalinta iyo dhowrista xeebaha iyo khayraadka badaha Puntland.Waxaa mahad cellin weyn loo soo jeediyey Deeq bixiyaha Midowga Yurub oo taageero dhaqaalle oo weyn u fidiyey Puntland xaga Degaanka iyo weliba dhisidda Wasaaradda Degaanka.
  5. Waxaa sidoo kale mahadcellin ballaaran loo soo jeediyey UNDP/GEF, World Bank iyo hay’adaha caalamiga ah sida CARE International iyo ADESO kuwaas oo Wasaaradda Deegaanka kala shaqeeyey howlaha  dib u noolaynta Degaanka Puntland iyo kor u qaadida awoodda Wasaaradda Deegaanka.

……………………Dhammaad………………

Garowe

PUNTLAND POST