Hay,adda HARO oo maalintii 3aad deeq ka qeybinaysa Mudug iyo Sool

Qoysas ka mid ah dadka abaartu saamaysay oo ku nool Gobolada Mudug iyo Sool ayay gaarsiisay Hay,adda HARO ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka deeq ka kooban raashin iyo biyo, Waxaana ka mid ah goobaha la gaarsiiyay deeqdaan Degmada Boocame, Magaalada Buura wadal,Geedmira leh, Caro, Biratable,Bohol Sarmaan oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Sool.

Sidoo kale deeqdaan oo ay fulinayaan Wakiilka Hay,adda HARO ee Puntland Shiikh Yaasiin Cabdulaahi iyo Shiikh Maxamed Xamari ayaa la gaarsiiyay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxayna cunto iyo biyo ka qeybiyeen deegaano hoosyimaada Degmada Goldagob ee Gobolka Mudug.

Deeqdaan ka timid Hay,adda HARO ayaa laga soo aruuriyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, waana mid qeyb ka ah gacanta loo fidinayo dadka ku dhibaateysan qaar ka mid ah deegaanada miyiga iyo tuulooyinka Puntland.

Daawo Sawiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST