Culimo deeq dibada ka timid ka qeybinaya Gobolka Mudug

Wakiilka Hay,adda HARO ee Puntland Shiikh Yaasiin Cabdulaahi oo uu wehliyo Shiekh Maxamed Xamari ayaa maanta deeq raashin iyo lacag isugu jirta maanta ka qeybiyay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug, waxaana ka mid ah goobaha deeqdaan ay gaarsiiyeen tuulada Axmed Kheyr, Cagaran iyo Baadiyaha u dhaw Degmada Goldogob.

Deeqdaan ayaa ka timid Xafiiska Hay,adda HARO ku leedahay dalka Mareykanka, waxaana laga soo aruuriyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Sidoo kale Shiikh Maxamed Xamari iyo Macalin Yaasiin Cabdulaahi ayaa deeq lacag ah ku wareejiyay qoysas xoolihii ay ka dhamaadeen, Kuwaas oo ku nool tuulada Cagaran, Islamarkaana kazoo hayaamay deegaanada kala ah Qawane iyo Dhurwayale oo ka tirsan dalka Itoobiya.

Deeqdaan lacagta waxa ku deeqay gabdho ku nool dalka Holand kuwaas oo usoo wakiishay Shiekh Maxamed Xamari iyo Macalin Yaasiin Cabdulaahi intey ku guddo jireen socdaalka ay ku marayaan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST