Shirweynaha 2aad Deegaanka Puntland oo ka furmay Garoowe

Waxaa Maanta xarunta Jaamacada PSU ee magaalada Garoowe ka furmay Shirweynihii labaad ee looga arinsanayey arimaha Deegaanka Puntland, Shirweynahan oo ah kii labaad oo noociisa ah oo Puntlnd lagu qabto, shirwaynahan oo soconaya maalmaha soo socda waxaa furitaankiisa ka qaybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar, Gudomiye kuxigeenka golaha wakiilada Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam, Xubno kamid ah golayaasha dawlada, Madaxda Wasaaradda Deegaanka, Gudoomiyeyaasha gobolada Puntland, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka, Dalladda Bulshada rayidka ah ee Puntland,Ganacsato, odayaasha dhaqanka, Culimaa’udiinka, Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Waxgarad iyo Marti sharaf kale.

Shirkan waxaa furitaankiisa ka hadlay Wasiir kuxigeenka Wasaarada Deegaanka, Mudane Faarax Cali Cabdi oo sheegay in ujeedada shirkani ay tahay in la iska xog waraysto xaalada Deegaanku marayo, in la isku baraarujiyo dhibaatooyinka Deegaanka haysta, sidii loo nidaamin lahaa biyaha khasaara sanad walba iyo arimo kale oo muhiim ah.

Wuxuuna sheegay Wasiir kuxigeenku in arrintan looga dan leeyahay in lagu hakiyo dhibaatada sii baahaysa ee Deegaankeena ka jirta, shirka sidoo kale waxaa ka hadlay xubno isugujira Golayaasha dawlada iyo wakiilo ka socday qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland oo iyadu soo diyaarisay shirkan ayaa kasoo jeeday shirka warbixino la xariira dhibaatooyinka Deegaanka ka jira Guulaha laga gaaray hakinta dhibaatooyinkaas, caqabadaha hada hortaagan wasaarada iyo Saaxiibada la shaqeeya iyo casharadii laga bartay mashruuca

“Deegaanku waa Noloshaada” ayaa ah mashruucii ugu waynaa oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka shaqaynaya Puntland Islamarkaana soo hooyay guulo badan.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saarayaa mudada uu socdo shirkaan arimo la xiriira Doorka bulshada ee maaraynta Khayraadka Dabiciiga ah, joojinta dhuxusha ayadoo looguurayo Tamarta, dhaqangelinta shuruucd a Deegaanka, Dhowrista daaqsinta iyo Duurjoogta iyo qodobo kale oo Muhiim ah.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo furitaankii shrike isna ka hadlay ayaa sheegey in wasaarada Deegaanku ay shirkaan oo ay qorshaysay in labadii sanoba mar laqabto uga dan leedahay in loo qareemo Xaalada uu Deegaankeenu ku sugaynahay.

Wuxuu sheegey wasiirku in wasaaradu iyadoo kaashanaysa hay’adaha la shaqeeya ay siwayn isugu howshay xalinta dhibaatooyinka kajira deegaanka ayna yaraysay Boholihii sii fideyey sidoo kalena ay dhiirigelin u samaysay gudiyada deegaanka ee heer Tuulo,

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu ay dadaal badan galisay hakinta Biyaha sanadwalba Khasaara ee badda ku darsama islamarkaasna ay samaysay Biyo xireeno kaladuwan kuwo kale oo waawayna ay dhawaan samayn doonto.

Dr. Cali wuxuu bulshada ugu baaqay in ay wasaarada iyo hay’adaha la shaqeeyaba gacanwayn siiyaan si loo sii yareeyo ugu danbayntana loo joojiyo dhibaatooyinka muuqda ee Deegaanka kajira.

Gudoomiye kuxigeenka golaha Wakiilada ee Puntland Mudane, Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam oo isna dhankiisa hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin guulaha laga gaaray dhowrista Deegaanka wuxuuna wasaarada Deegaanka uga mahadceliyey sida xilkasnimada ah ee ay howshaas u qabatay isagoo ku booriyey in lasii wado.

Sidoo kale Mudane Cabdixamiid wuxuu sheegey in wasaarada Deegaanka oo waqtiyar jirtay ay kutilaabsatay guulo waawayn oo bulshadu indhaheeda ku arki karto.

Madaxweyne kuxigeenka dawlada Puntland Eng, Cabdixakiim Cabdullaahi X Cumar oo shirka si rasmi ah u furay ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay ka qaybgalkiisa shirkan Muhiimka ah.

Wuxuuna ugu baaqay ka qaybgalayaasha shirka in mudada shirku socdo si wayn looga baaraan dago xaalada Deegaanku marayo iyo sidii loogu qareemi lahaa, madaxweynuhu wuxuu sheegey in arimaha Deegaanku ay yihiin mid kamid ah dhibaatooyinka ugu waawayn ee Puntland kajira loona baahanyahay in si wadajir ah loogu wada gurmado Deegaanka xaalufaya,

Shirkan ayaa socon doona mudo labo cisho ah waxaana la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed kusaabsan xaalada Deegaanku ku suganyahay in sida loo wajahayo xalinta dhibaatooyinka Deegaanka.

Garowe

PUNTLAND POST