Hay,adda HARO oo deeq biyo iyo raashin ah ka qeybisay Sool

Hay,adda HARO oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ayaa deeq isugu jirta biyo iyo raashin ka qeybisay deegaano ka tirsan Gobolka Sool, waxaana la gaarsiiyay qoysas ku nool Deegaanada kala ah Taleex,Wirwir iyo Yagoori, Iyadoona 80 qoys oo ku nool Degmada Taleex la gaarsiiyay deeq raashin isugu jira bur,bariis, saliid iyo timir.

Deeqdaan ayaa laga soo aruuriyay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, waxaana fulinaya xafiiska Hay,adda HARO ku leedahay magaalada Garowe.

Sheikh Maxamed Xamari iyo Shiikh Yaasiin Cabdulaahi oo ah wakiilka Hay,adda HARO ayaa sheegay in xaalada abaartu meel culus mareyso islamarkaana loo baahan yahay in la wada qeyb qaato caawinta dadka ay saamaysay abaartu.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST