Qoysas ku dayacan tuulada TUUR ee Gobolka Nugaal

Ku dhawaad boqol qoys oo isugu jira dadkii horey u deganaa tuulada Tuur oo ka mid ah deegaanada hoostaga maamulka Degmada EYL ee Gobolka Nugaal iyo dad ku ceyroobay abaarta ka jirta Puntland ayaa ku dayacan deegaankaas, xilli ay la ildaran yihiin dhamaantood gurmad deg deg ah oo biyo iyo baadba leh.

Muuqaal PUNTLAND POST ka heshay qoysaska ku nool tuulada TUUR waxay kaga waramayaan xaaladooda nololeed iyo gurmad darada deegaankaas ka jirta oo ay ku baaqeen dadka ku nool in gacan bini,aadamnimo oo deg deg ah lala soo gaaro.

Qoysaskaan ayaa si isku mid ah walaac uga muujiyay xaalad nafaqo daro iyo mid caafimaad oo soo wajahda, waxayna sheegeen inay fara_kulul ku hayso kaneeco iyo isbedel ku yimid dhadhankii biyo ay ka cabi jireen ceelal laasas ah oo isu bedelay dhanaan ama milix.

Daawo fariinta qoysaska ku nool tuulada TUUR.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST