Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo maanta dib u fasaxay shaqo joojintii gadiidka bajaajta

Ciidanka Booliska magaalada Garowe ayaa xalay xiray in ka badan 100 gaadiidka Bajaajta ah, kadib markii lagu soo eedeeyay inay sameeyeen sharci jabin iyo digniino horey loo siiyay oo ahaa inaan Qaad lagu soo qaadi karin iyo inaysan isticmaalin wadooyin aan laga mamnuucay

Gaadiidkaan ayaa intiisa badan lagu xareeyay saldhiga dhexe ee magaalada Garowe, halkaas oo ay saakay dacwad u tageen qaar badan oo kamid ah mulkilayaasha iyo darawaliinta Bajaajta, kuwaas oo ku doodayay inaanay wax sharci ah jabin ah.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne), ayaa markii dambe amar kusii daayay gaadiidkaan, kadib markii mulkilayaasha iyo ururka Bajaajleyda ay shir ku yeesheen xarunta gobolka, iyadoo la isku raacay inaanu mar dambe qaladkaan soo laaban.

Guddoomiye ku xigeenka iskaashatada Bajaajta gobolka Nugaal Beyle Aadan Ducaale oo la hadlay Puntlandi ayaa sharci jabinta lagusoo eedeeyay Bajaajta ku leexiyay qeyb kamid ah iyaga kamid ah oo horey uga dhaga adaygay awaamiirta dowladda kasoo baxday.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST