DAAWO waayihii xumaa ee Gobolka Mudug

Waxaa xadka dhaafay heerka qoysaska ama dadka ku hanti beelay abaarta ku dhufatay Soomaaliya gaar ahaan deegaano ka tirsan Puntland oo ay soo foodsaartey xaalad bini,aadamnimo aad u qalafsan, taas oo kasii dareysa maalinba maalinta ka dambeysa.

Wariyaha PUNTLAND POST oo ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Mudug ayaa soo tebinaya warbixin muuqaal ah oo uu kusoo bandhigayo xaalad bini,aadamnimo oo ay wajaheen kumanaan qoys oo ku nool deegaano ka tirsan baadiyaha Gobolka Mudug.

Wariye Abshir Dhiirane oo shalay 05 April 2017 Gaalkacyo uga safrey deegaano hoosyimaada Degmada Goldogob ayaa kusoo arkey xaalad adag oo reer miyigii la kulansiisay waji ka duwan sidii horre, Waxaana deegaanadaas maalintii saddexaad socdaal xaalada dadka loogu kuurgalayo ku maraya wafti uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay.

Haddaba daawo warbixinta PUNTLAND POST oo sidii aad horeyba uga barateen xaqiiqda kasoo gudbinaysa heerka abaarta ka jirta deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST