Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo tababar u furtay shaqaalaha dowladda

Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland ayaa maanta tababar u qabatay shaqaalaha wasaaraddaha iyo hay’addaha dowliga ah, kuwaas oo loo tababarayo inay la jaanqaadaan Tiknooloojiyada casriga ah ee maaraynta daqliga iyo xisaabaadka.

Tababarkaan oo uu soo abaabulay xafiiska xogta maaliyadda ayaa shaqaalaha dowladda ka caawindoona inay si casri ah u dalbadaan musharaadkooda iyo adeegyadooda, waxaana furitaanka tababarkaan ka qeyb galay wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, xisaabiyaha dowladda iyo madax kale.

Agaasimaha Canshuuraha beriga Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa sheegay tababarkaan inuu qeyb ka yahay Barnaamujka PFMIS oo ah nidaamka computered ah kaasoo maareynaya xogta Dowladda sida xereynta Dahkliga, Bixinta kharashka, Diiwangelinta shaqaalaha, bixinta mushaharaadka iyo diiwaan gelinta hantida ma guurtada ah.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Axmed Yaasiin oo tababarkaan furay ayaa kula dardaarmay shaqaalaha tababarkaan loo qabtay inay si buuxda uga faa’idaystaan, isagoo xusay wasaaradda maaliyaddu inay dadaal xoogan ugu jirto kor u qaadista Dakhliga,  hagaajinta Miisaaniyada, tababarida iyo tayeynta shaqaalaha Wasaaraddaha.

Quburada tababarkaan bixinaysa ayaa ah shaqaale dalka Kenya lagusoo tababaray iyo khabiir  u dhashay dalka Canada oo Bankiga aduunka uu soo diray.

DAAWO SAWIRRADDA.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST