Hay,adda PHA oo u saxiixday Shirkadda ISXILQAAN dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo

Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa maanta u saxiixday heshiiska dhismaha laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Garowe Shirkaddaha ISXILQAAN oo ku guulaysatay tartankii qandaraaska dhismaha wadadaan, Ka dib munaasabad maanta ka qabsoontay xarunta Wasaarada hawlaha guud iyo Gadiidku ku leedahay magaalada Garowe.

Heshiiskan oo bilow u noqonaya bilaabida shaqada dhismaha wadada Gaalkacyo iyo Garowe waxaa ka qeybgalay munaasabadii lagu saxiixay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka Puntland, Masuuliyiinta Hay,adda PHA oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Guddiga BOARD_ka Hay,adda Wadooyinka Puntland, Saraakiil ka socota Hay,adda GIZ iyo Masuuliyiinta shirkadda dhisaysa laamiga dheer ee ISXILQAAN.

Mashruuca lagu dhisayo laamiga dheer ee isku xiraya Garowe iyo Gaalkacyo ayaa laga dhursugayay muddo dheer, wuxuuna u muuqdaa mid si rasmiya hadda loo guddo galay.

Goor dhaw kala soco PUNTLAND POST muuqaal ku saabsan heshiiskii maanta lagu saxiixay dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST