Daawo dhismaha wadada isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo oo la bilaabayo

Wasiirka hawlaha guud iyo gadiidka Dowlada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo khudbad ka jeediyay marxaladihii uu soo marey mashruuca dib loogu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo ayaa uga digay dad uu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah,Isagoona ugu bishaareeyay taas bedelkeeda dadweynaha Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba in la gaarey xilligii laga dhabayn lahaa fulinta mashruucan.

Wasiir Cabdirashiid ayaa hoosta ka xariiqay inay 25 KM marinayso hay,adda wadooyinka Puntland (PHA) 40 KM oo ah wajiga  1aad oo dowlada kaga soo aaday inay gadiidka wado ugu bixiso inta uu socdo dhismaha lagu dayactirayo laamiga dheer ee Garowe iyo Gaalkacyo, Islamarkaana wixii ka dambeeya maanta laga sugayo bilaabida shaqadaan shirkadda ISXILQAAN oo ku guulaysatay tartankii loo galay qandaraaska lagu dhisayo wadadaan.

Gudoomiyaha kumeelgaarka ah ahna Gudoomiye kuxigeenka Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Jaamac ayaa isna dhankiisa sheegay inay si buuxda maanta ugu saxiixeen Shirkadda ku guulaysatay dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo guddo galida shaqada laga sugayo.

Dhinaca kale Nabadoon Siciid Cabdulaahi oo wakiil u ah Shirkadda ISXILQAAN ayaa ka codsaday dadweynaha inay gacan ku siiyaan masuuliyadaan baaxada weyn oo markii ugu horeysay dib loogu dayactirayo laamiga dheer ee isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo.

Daawo heshiiska loo saxiixay Shirkadda ISXILQAAN.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST