Masuuliyiin Puntland oo galabta booqday kaamamka barakacayaasha Garowe

Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay, Masuuliyiin ka tirsan gollaha Xukuumadda iyo Hay,addaha Caalamiga ayaa galabta kormeer iyo booqasho gaaban ku tagay kaamamka barakacayaasha ee ku yaala duleedka bari ee magaalo madaxda Puntland Garowe.

Kormeerkan oo ahaa mid indho indheyn iyo u kuurgalida xaalada barakaayaasha waxaa ku wehelinayay Madaxwayne ku xigeenka Puntland,Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marwo Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin,Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Wasiir kuxigeenka Caafimaadka, Wasiir kuxigeenka Qorsheynta, Saraakiil ka socota Hay,adda UNICEF iyo Save the children.

Madaxwayne ku xigeenka iyo Madaxdii kale ee ka socotay wasaaradaha ayaa barakacayaasha ka dhagaystay xaaladooda nololeed ee xilligaan iyo baahida ay tabanayaan .

Agaasimaha waaxda barakacayasha ee Wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland ayaa xusay in Garoowe ay ku nool yihiin in ka badan 15000 kun oo barkacayaal ah loona sameyay barnaamij cusub ee Data base ah.

C/laahi Xashi Qoob deero Wasiir kuxigeenka arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ayaa dhankiisa tilmaamay in baahida barakacayashu tahay mid maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysa , wuxuuna si gaar ah u tilmaamay baahida daganaanshaha dhulka.

Madaxwayne ku xigeenak Puntland oo gabagabadii la hadlayay barakacayaasha ayaa sheegay in si dag dag ah wax looga qabanayo baahiyaha dhinacyada caafimaadka iyo nolasha Guud ee bulshada ku dhaqan 17 kaam, Isagoona si gaar ah u tilmaamay baahida musqulaha.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST