Dowlada Turkiga oo ka hadashay sababta xero ciidan uga samaynayso Muqdisho

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ambassador Olgan Beker oo markii ugu horeysay si faahfaahsan uga hadlay saldhig milatery oo laga samaynayo Muqdisho iyo Ujeedada Dowladiisu u taageereyso Soomaaliya ayaa ku sheegay inay ka dambeyso sii xoojinta saaxiibtinimada labada dalka Turkiga iyo Soomaaliya.

“Ma aha saldhig milateri sida kan ay Turkiga ku leeyihiin dalka Qatar” ayuu yiri Ambassador Olgan Beker oo la hadlay Tv-ga TRT World “

Safiirka ayaa intaas ku daray inaysan sax ahayn qaabka warbaahintu uga hadasho arrimaha ku aadan xero ciidanka oo Dowlada Turkigu ka furanayso Muqdisho, Wuxuuna sheegay in xeradaas noqonayso mid tababaro lagu siinayo ciidamada Dowlada Soomaaliya.

Xerada ciidanka ee turkigu ka furayo Muqdisho ayuu sheegay in halkii mar ay qaadi doonto 1,500 iyo 200 oo saraakiil ah , Islamarkaana hadafka ugu weyn ee Dowlada Turkigu ka leedahay uu yahay tababar lagu siin doono Ciidamada Soomaalida gaar ahaan kuwa Dowlada Federalka ee saldhigeedu yahay Muqdisho.

Dhismaha xerradaasi ayaa waxa la billaabay bishii March ee sannadkii 2015-kii, wuxuuna ku fadhiyaa masaafo dhan 400 Hectares, oo ay ku dhex yaallaan 3 Dugsi ee tababarka milateri, Hool weyn oo la seexdo iyo Bakhaaro lagu kaydiyo qalabka milateriga.

Danjiraha waxa kale oo uu sheegay in 200 Saraakiil Turkish ah loo soo diri doono Somalia, si ay Tababarayaal uga noqdaan Xeradda Tababarka Milliteriga ee ay Turkiga bisha soo socoto ka furan doonaan Muqdisho.

Ambassador Olgan Beker waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inay Ciiddamo Turki horey u joogeen Safaaradda ay ku leeyihiin Muqdisho, kuwaasi oo ilaalo u ah Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha Safaaradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST