Haweenka Puntland oo u kacay taageerada Xukuumadda Soomaaliya

Kulan maanta ka qabsoomay xarunta Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland ku leedahay magaalada Garowe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay qoondada haweenku ka heleen Xukuumadda Dowlada Federalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeyb galay kulankaan oo haween badan isugu yimaadeen Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin iyo Gudoomiyaha Dalladda Haweenka Puntland Khadro Warsame.

Gudoomiyaha Haweenka Puntland Khadro Warsame ayaa ka faalootay doorka Puntland ku lahayd dhismaha Dowlada Soomaaliya , waxayna hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlada Federalka iyo Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo ay ku amaantay doorka ay haweenka ka siiyeen qoondada Xukuumadda dhawaan lasoo magacaabay.

Sidoo kale Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa faahfaahin ka bixisay doorkii iyo dadaalkii wasaaradeedu u gashay sidii looga miro dhalin lahaa inay haweenku helaan saamigii laga siiyay kuraasta baarlamanka.

Daawo .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST