Wasaarada Caafimaadka Puntland oo dad u tababareysa Cudurka Shubanka

Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland ayaa maanta tababar u qabatay dhakhaatiir iyo Isku duwayaasha caafimaadka ee Gobolladda, Waxaana furay tababarkaan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cabdinaasir Cuuke.

Wasiir Cabdinaasir Cuuke ayaa ku baraarujiyay kazoo qeyb galayaasha tababarkaan inay ka faa,iideystaan cilmiga lagu barayo, Islamarkaana ay ku dabakhaan dadka bunaada ah ee uu haleelay cudurka shuban biyoodka.

Ujeedka tababarka ayaa ah sidii loo fahmi lahaa in laga hortago khatar cudurka shuban iyo qaabka loo daaweynayo dadka uu soo rito, iyo in la muujiyo sida ay heegan ugu jirto Wasaaradda Caafimaadka Puntland madaama uu cudurkani ka dilaacay meelo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST