Gudiga gurmadka Puntland oo soo bandhigaya lacagihii soo garay

Bosaso[Puntland Post] Gudiga Gurmadka Abaaraha Puntland ayaa Maanta soo bandhigaya lacagihii soo gaaray bilihii ugu danbeyey ee sanadka Cusub kadib Xalfad kooban oo ka dhacday Xafiiska Al-Minhaaj ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobalka Bari.

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka Puntland Sheekh Fu-aad Xaaji Nuur ayaa ka war bixiyey meelaha ay ka soo gareen lacagahani waxana uu Ale uga baryey cidii bixisay sadaqo loogu gurmanayo walalaha dhiban in uu ajar iyo xasanad uu ka siiyo.

Dhinaca kale waxa uu ka digay in xaalada Abaareed ay  sii xumanayso loona baahan yahay in loo gurmado dadka ay Abaartu samaysay ee xiligan la il daran Gaaji, Haraad iyo Xanuuno kala duwan oo ka dilaacaya Abaarta sii xumanaysa.

Daawo shirka Jaraa,id ee Gudoomiyaha Gudiga Gurmadka Puntland Sheekh Fu-aad Xaaji Nuur

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST