Faahfaahin markabka lagu haysto biyaha Puntland

Agaasimaha la dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) oo PUNTLAND POST wareysi kula hadlay ayaa faahfaahin ka baxshay Afduubka Markab laga leeyahay dalka isu taga imaaraadka carabta oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho, Islamarkana kooxo Afduubayaal ahi ku haystaan biyaha Degmada Caluula ee Gobolka Bari.

Cabdirasaaq Maxamed Dirir ayaa sheegay inuu kasoo ruqaansaday Markabku dalka Jabuuti,wuxuuna sheegay inuu yahay nooca saliida qaada oo kusii jeeday dekada magaalada Muqdisho, Isagoona sheegay inay la socdaan 10 qof oo ah shaqaalaha Markabka.

Wuxuu kaloo ka waramay Agaasime Ducaysane qaabka uu u dhacay iyo goortii uu dhacay afduubka Markabku.

Dhinaca kale PUNTLAND POST waxay su,aalo muhiim ah wareysigaan ku weydiisay Agaasimaha la dagaalanka Burcad badeedka Puntland Sababta keeni karta in biyaha Somalila gaar ahaan kuwa Puntland ay dib uga soo cusboonaadaan kooxihii burcad badeedka oo sanadihii u dambeeyay u muuqday kuwo hoos u dhac weyn ku timid khatartoodii ?.

Haddaba dhagayso wareysiga Ducaysane.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.