Taliyaha ciidanka DANAB oo raali galiyay shacabka Puntland

Taliyaha Ciidanka Kumaandoosta Puntland Col Jimcaale Jaamac Takar oo markii ugu horeysay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gaar u ahayd kooxyar oo ka tirsan ciidanka talaabadii gadoodka ciiidamo ka tirsan ururka Danab ay ka sameeyeen magaalada Garowe, wuxuuna sheegay inuu ka raali galinayo dadweynaha, Islamarkaana uu ka shaqeynayo inaysan mar danbe dhicin.

Sidoo kale taliyaha ciidanka kumaandoosta Puntland ee DANAB Korneyl Jimcaale Jaamac Takar ayaa fariin adag u diray qaar ka mid ah dadka oo uu ku eedeeyay inay ku faafiyeen baraha bulshada qoraalo isku dir ah,wuxuuna  bedelkeeda u mahadceliyay Saxaafadda,Odoaasha iyo Masuuliyiinta Dowlada heer Gobol ilaa Heer Degmo.

“Sumcadda ciidanku aad bey u sareysaa shacabkooda laguma diri karo,Dowladooda lagama horkeeni karo,Ciidanku dowlada wuu taageersan yahay si cad buuna ula shaqeynayaa, si cad buu u difaacayaa dalkiisa, si cad buu uga shaqeynayaa Amniga gudaha, Argagixisada waanu laynaynaa,WAR XUMOOW LAGU WAA” ayuu yiri Taliye Jimcaale.

Daawo Taliye Jimcaale.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST